London: 100.000 qof oo ka qeyb qaatay banaanbax lagu taageerayo Falastiin

Published: October 21, 2023

Tobanaan kun oo dibad baxayaasha taageersan Falastiin ayaa maanta oo Sabti ah isugu soo baxay magaalada London iyo magaalooyin kale, waxayna dalbanayeen in Israa’iil ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Qaza, iyadoo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uu galay toddobaadki saddexaad.

Banaanbaxayaasha waxay socodkooda ka bilaabeen Marble Arch oo u dhow Beerta Hyde ee London ka hor inta aysan u dhaqaaqin aaga xarumaha dawladda ee Whitehall.

Booliisku waxay ku qiyaaseen dadka isu soo baxayay mudaharaadkan London “ilaa 100,000 qof.”

Iyagoo lulaya calanka Falastiin, ka qaybgalayaashu waxay ku baaqeen in la soo afjaro go’doominta Israa’iil iyo duqeymaha cirka ee lagu wado Gaza.

Magaalooyinka ay maanta ka dhaceen banaanbaxyada waxaa sidoo kale kamid ah caasimada Itaaliya ee Rome, halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan dad ah oo taageersan Falastiin.

Dhanka dalka Australia, kumanaan ayaa socod ku maray bartamaha Sydney Sabtidii, iyagoo ku dhawaaqaya “Falastiin weligeed ma dhiman doonto.”

Maamulka Gaza ayaa sheegay in in ka badan 4,300 oo qof lagu dilay duqeynta Israel tan iyo markii uu bilowday dagaalka.

Horseed Media