Maalin dheeraad ah oo lagu daray Xabad-joojintii Gaza

Published: November 30, 2023

Xamaas ayaa xaqiijisay in hal maalin dheeraad ah lagu daray xabad-joojinta oo ku ekayd Arbacadii shalay.

Waxaa socda dadaalo lagu kordhinayo wakhtiga Xabad-joojinta si loo siidaayo maxaabiista ku jira gacanta Xamaas iyo Israel.

Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in lasii daayo 8 kamid ah maxaabiista Xamaas heyso. Sidoo kale qaar kamid ah Falastiiniyiinta u xiran Israel.

Israel ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u bilowdo duqeynta iyo weerarka Gaza, marka ay dhamaato xiliga xabad-joojinta.

Qaramada Midoobay iyo ururada Caalamiga ah ayaa ku baaqay in xabad-joojinta lasii wado si gargaar loo gaarsiiyo shacabka Gaza.

Maamulka Gaza ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in laga caawiyo sidii loo soo saari lahaa meydadka ku hoos jira guryaha burburay oo aad u badan.

In ka badan 6.200 qof oo ahaa shacabkii Falastiin ee Gaza ayaa la la’a yahay, waxaana la filayaa in meydadkooda ku hoos jiraan daaraha Israel burburisay.

Tiradda la xaqiijiyey in duqeynta Israel lagu dilay ayaa ka badan 15.000 qof oo ay ku jiraan in ku dhaw 7.000 oo caruur ah.

Horseed Media