Maalinta caalamiga ee soo afjaridda Ciqaab la’aanta dambiyada ka dhan ah Suxufiyiinta oo la xusayo

Published: November 2, 2021

Wadamada caalamka ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta dambiyada  ee loo geysto qeybaha suxuufiyiinta ee ka howlgala dunida .

Xuska 2-da Novembar waa maalin caalami ah oo qaramada Midooay ay u aqoonsatay in loo dabbaaldego,isla markaana dadka lagu baraarujiyo waxtarka iyo qiimaha ay leeyihiin qeybaha suxuufiiinta iyo weliba tacadiyada lala beegsado xilliyada ay ku jiraan shaqooyinka lagama maarmaanka u ah warbaahinta.

Iyadoo la raacayo go’aanka Golaha ee tirsugiisu yahay  A/RES/68/163,soona baxay 2-dii November 2013-kii ,waxa uu dhigayaa in dalka Soomaaliya iyo dunida kalebba,ay isu taagaan qodobo ay ka mid yihiin ka hortagga tacadiyada ku dhaca suxuufiyiinta iyo soo afjaridda dhaqanka la xiriira ciqaab la’aanta dadka ka dambeeya dambiyadaasi.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee daneynaya in maalinta caalamiga ah ay noqoto mid lagu soo afjarayo isla xisaabtan la’aanta dambiyada dagaal ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *