Maamulka Gobolka Banaadir oo ku howlan bilic soo celinta Muqdisho, kadib roobabkii halkaas ka da’ay

Published: May 1, 2023
Shares8

Waaxda Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa howlo nadaafadeed ka sameeyay waddada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maxamed Suudi ayaa sheegay in iyagoo fulinaya Awaamiirta Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ay ka wadaan Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, qorshaha bilic soo celinta Magaalada kadib roobab daad wata oo ka da’ay Caasimadda

Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Degmooyinka uu maro wadada dheer ee Maka Al-mukarama ayaa ka qaatay howsha nadaafadeed ee laga sameeyay waddadaas, oo saameyn ku yeeshay roobkii ka da’ay Caasimadda.

Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa xirmay ka gadaal markii Roobkii da’ay 28 April 2023-ka uu biyo dhigay, iyada oo ay ka dhalay inay istaagan isu socodka gaadiidka.

Horseed Media