Maamulka Gobolka Banaadir oo olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda+Sawirro

Published: August 10, 2018

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Shacabka Caasimadda ayaa olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda, iyadoo ololahan uu qeyb ka yahay Barnaamijka Is-xilqaan ee horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ololahan ayaa noqonaya mid dhamaan bulshada ka qaybaheeda kala duwani ka qayb qaadanayso. Waxana lagu nadiifiyey jidad muhiim ah oo ku yaalla halbowlaha magaalada Muqdisho .

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa boggaadiyey barnaamijka Is-Xilqaam ee dalka dib u dhiskiisa looga qayb qaadanayo laguna nadiifinayo Caasumada si bilicdeedii dib ugu soo noqoto .

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in nadaafaddu ay ka bilaabato guriga iyo deegaanka uu qof walba ku nool yahay, maamulkiisuna uu mudnaanta siinayo ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda. Isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in ay u istaagaan horumarinta dalkooda. Maadaama nadaafadu tahay mid waajib ku ah muwaadin kasta diinta islaamkuna na farayso.

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ugu baaqayaa in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yariisoow.

Horseed Mediad

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *