Maamulka Gobolka Bari oo Awaamiir adag soo saaray

Published: May 19, 2021

Maamulka Gobolka Bari ayaa digniin adag u diray Shakhsiyaad ku howlan xaalufinta deegaanka oo deegaano ka tirsan gobolka kawada jarista dhirta laga sameeyo Dhuxusha.

Shir ka dhacay xarunta Maamulka gobolka Bari ayna isugu yimaadeen waxgaradka,laamaha amaanka iyo masuuliyiinta gobolka ayaa lagu shaaciyay go’aano wax looga qabanayo dhibaatada ay deegaanka ku hayaan dadka ku howlan dabargoynta dhirta kuwaasoo durba saameyn xooggan u geystay nolosha bulshooyinka kunool deegaanada Bariga Puntland.

Waxgarad ka kala yimi deegaanada ay xiligan saameynta Xoogagan ku hayaan shakhsiyaadka dhirta guba ee ka sameeya dhuxusha iyo masuuliyiin ka socota wasaaradaha ku shaqada leh deegaanka ayaa shirka kasoo jeediyay talooyin ku saabsan sida looga hortagi karo falkan dhibaatada ku haya deegaanka.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka hadlay shirka ayaa balan qaaday in ay ka hortagi doonaan cidkasta oo faraha kula jirta jarista dhirta isagoona ka dalbaday waxgaradka in ay doorkooda qaataan oo Ciidamada amaanka ay kala shaqeeyaan sidii gacmo wadajir looga soo horjeesan lahaa arintan.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad yuusuf Maxamed Abwaan ayaa gaba gabadii shirka ka shaaciyay go’aamo wax looga qabanayo dabargoynta lagu hayo dhirta deegaanka oo ay manaafacaadsadaan dadka iyo duunyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *