Maamulka Koonfur Galbeed Oo Xukun Toogasho Ku Fuliyey Askar Geysatay Dilalka Dad Shacab ah

Published: October 23, 2023
Shares26

Geedow Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa lagu fuliyay dil-toogasho taasoo ah Qisaasta Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buur-hakaba, Dilka ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedoow huwiyay gaari Caasi ah oo ka yimid Muqdisho kuna siijeeday Baydhaba.

Sidoo kale Ismaaciil Cadullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo ka tirsan Xoogga Dalka oo isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen kana tirsanaa Saldhigga Boliiska Rabdhuure ayaa isna lagu fuliyey dilkii qisaasta marxuum xuseen.dilka xuseen ayaa ka dhashay muran la xiriira kaararka lagu qaato raashinka oo dhex maray labadooda.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta Maamulka koonfur Galbeed ayaa horay ragaan ugu ridday dilka toogashada ah ee manta ay maxkamdu ku fulisay,waxaana horay sarakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida goobo fagaara ah askarta ugu shegeen in askarigii dil geystaa sharciga la waafajin doonno oo cid laga yeelayo in Bulshada dhibateeyso aysan jiri doonin.

Horseed Media