Maamulka SSC-Khaatumo oo ku dhawaaqey 9 Xoghaye oo maamulkaasi ka kooban yahay

Published: September 12, 2023

Hoggaamiyaha golaha dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqey Sagaal xogahaye (Wasiiro) oo maamulkaasi yeelanaayo.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Cabdiraxmaan Axmed Cali Hoggaamiyaha Golaha Dhexe ee SSCKhaatumo ayaa lagu yiri:

Markii aan aragney baahida loo qabo magacaabidda Xoghayayaasha Xafiisyada Golaha Fulinta oo leh khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay ayaan magacaabey:

  1. Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada
  2. Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  3. Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta
  4. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda
  5. Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka
  6. Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  7. Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga
  8. Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  9. Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa loo dhisey 45 xubnood oo loogu yeero golaha dhexe ee SSC-Khaatumo, waxay doorteen Guddoomiye iyo ku-xigeenka golaha fulinta ee SSC-Khaatumo taas oo caawa a dhamaystirey iyada oo si lamid ah mamaulkii Puntland 1998 loogu walqalay 9 Wasiir ama Xoghaye.

Horseed Media