Madaxa Sirdoonka Militariga Israa’iil oo isu casilay fashilkii ka hortaga weerarada Xamaas

Published: April 23, 2024

Madaxii sirdoonka millatariga Israa’iil ayaa iscasilay isniintii kadib guul darooyinkii ku hareeraysnaa weerarkii aan hore loo arag ee Xamaas ee 7dii Oktoober.

Iscasilaada Maj. Gen. Aharon Haliva ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee xilka isaga-casila fashilka militariga Israa’iil ee weerarkii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda Israel.

Go’aanka Taliyahan ayaa gogol xaar u noqon kara is casilaad kale oo ay ku dhaqaaqaan madaxda sare ee ciidamada amniga Israa’iil.

“Ciidamada sirdoonka ee iga amar qaata way ka soo bixi waayeen hawshii loo igmaday. Fashilka maalintaas madow waa mid aan ka seexan kari waayey maalin iyo habeen. Xanuunka dagaalkan waa mid aan nolosheyda illaawi doonin,” ayuu Taliye Haliva ku qoray warqadiisa iscasilaada.

Halka Haliva iyo kuwa kale ay aqbaleen eeda ah inay ku guuldaraysteen inay joojiyaan weerarkii Xamaas, balse madaxda Israa’iil qaarkood ayaan weli tilaabadan qaadin, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo si weyn loogu dhaliiceenayo fashilka, isagoo sheegay inuu ka jawaabi doono su’aalaha adag ee loo heysto ee ku saabsan doorkiisa markii uu dagaalka dhamaado, laakiin si toos ah uma qiran mas’uuliyadda weerarkii 7dii Oktoober.

Netanyahu ayey shacabka Israa’iil gaar ahaan qoysaska dadkooda la afduubtay ku dhaliiceeyeen inuu ku fashilmay dagaalka Gaza, isla markaana uu doonayo inuu dagaalka sii daba-dheeraado si uusan u waajin xilkiisa.

Horseed Media