Madaxda dalal Afrikaan oo soo dhaweeyay heshiis ay gaareen Ukraine iyo Ruushka

Published: July 23, 2022
Shares38

Madaxweynayaasha dalalka Koonfur Afrika iyo Ivory Coast Cyril Ramaphosa iyo Alassane Ouattara ayaa soo dhaweeyay heshiis ay kala saxiixdeen Ukraine iyo Ruushka oo dhigaya in Qamadiga iyo Galleyda laga dhoofiyo dekedaha Ukraine.

Waa heshiiskii ugu horreeyay ee ugu weyn oo ay ku lug leeyihiin xukuumadda Moscow iyo Kyiv tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka bishii Febraayo.

Heshiiska waxaa looga golleeyahay in hoos loo dhigo qiimaha sare ee badarka, iyo in dib loo soo celiyo saadka dalalka hadda ay cunto yaraantu ka jirto.

Heshiiskan ayaa socon doono muddo laba bilood, iyadoona Magaalada Istanbul laga samayn doono xarun lagala socdo, laguna dabagalo fulinta heshiiskaasi, waxaana xaruntaasi ka hawlgeli doono Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey, Turkiga, Ruushka iyo Ukraine.

Heshiiska ayaa dib loo cusbooneysiin karaa, haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *