Madaxda Falastiin, Masar iyo Jordan oo diiday inay la kulmaan Biden

Published: October 18, 2023

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo taageero weyn u haya Israel ayaa maanta booqasho saacado qaadanaya ku tagay Tel Aviv, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay xukuumada Israel iyo qaar kamid ah qoysaska dadka looga laayey ama qafaashay hawlgalkii Xamaas ee 7dii Oktoober.

Biden ayaa lagu waday in safarkiisan kadib u dhoofo magaalada Amman ee caasimada Urdun (Jordan), halkaasi oo uu kula kulmi lahaa Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Masar al-Sisi iyo Boqorka Urdun Cabdullahi.

Balse kulankii madaxda Carabta ayaa la joojiyey kadib markii Madaxweynaha Falastiin uu xalay dib ugu noqday xaruntiisa Ramallah, kadib duqeyntii xalay ay Israel la beegsatay isbitaalka Al Ahli ee Gaza, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 qof.

Dalalka Masar iyo Jordan ayaa sidoo kale cambaareeyey duqeynta, iyadoo isa soo tareyso cambaareynta Beesha Caalamka ee duqeynta Israel ka wado Gaza.

Joe Biden oo taageero xoogan u haya Israel ayaa ku dooday in Israa’iil ay weerarkii xalay ee isbitaalka ku eedaysay kooxaha Falastiin, isagoo aan soo hadal qaadin baaqa ka imaanaya caalamka iyo Qaramada Midoobay oo codsanaya xabad-joojin dagaalka Gaza.

Waa markii ugu horeysay in muddo ah oo ay madaxda Carabta diidaan inay la kulmaan Madaxweyne Mareykan ah, arrintan ayaa loo aaneenayaa taageerada xad-dhaafka ah ee xukuumada Biden u heyso Israel, Mareykanka ayaa sidoo kale diiday qaraarkii Golaha Amaanka ee lagu codsanayey xabad joojinta.

Horseed Media