Madaxda Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo gaaray Muqdisho

Published: June 9, 2022

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaa maanta soo gaaray Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxda waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxdan ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana munaasabadda Caleema saarka ku suga madax badan oo Afrikan ah iyo mas’uuliyiin kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *