Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland

Published: August 13, 2022

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan rabshadihii ka dhacay Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xasuusiyey madaxda Somaliland inay soo celiyaan dhaqankii lagu yaqaanay ee ahaa inay si iskood ah u xalliyaan tabashooyinka dhex yimaadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland inay si nabad ah u xalliyaan khilaafka haatan taagan, oo ay ka hortagaan inay u baahdaan in cid debedda ahi soo farogeliso.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa isna baaq nabadeed ka soo saaray xiisadda ka taagan Somaliland.

Qoraal lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Twitterka ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaaruhu ugu baaqay madaxda siyaasadda ee Somaliland inay si nabad ah xal ugu raadiyaan wixii tabashooyin ah ee jira, isagoo intaas raaciyey in dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa kamid ah madaxda Dowladda Federaalka ee ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Hargeysa, waxaa uu ku baaqay xasilooni.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo kamid ah magaalooyinka Somaliland ee sababtay dhibaatada soo gaartay dadka shacabka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *