Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo shir degdeg ah ka yeeshay dagaalka socda Suudaan

Published: April 16, 2023

Madaxda Dalalka Urur Goboleedka IGAD ayaa wada-hadallo degdeg ah ka yeeshay iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan.

Shirkan oo ahaa mid Madaxdu ay ku yeesheen habka fogaan aragga ah waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Suudaan, ayna codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ay ku garab istaagayso nabadda, midnimada iyo dowladnimada Suudaan.

Ugu dambayn, madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Horseed Media