Madaxdii hore ee dalka & siyaasiyiin oo ka horyimid go’aamadii Golaha wadatashiga qaran

Published: May 29, 2023
Shares2

Madaxdii hore ee dawladda Faderaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweyne hore Sheekh Shariif, Gudoomiye hore Shariif Xasan, Ra’iisul wasaarayaal hore iyo Siyaasiin ayaa ka hor yimi go’aamadii ay gaareen golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxdan ayaa waxa ay kusifeeyen go’aanadaasi kuwa u horseedaya Soomaaliya halis weyn oo ay tahay in hada laga hortago.

Sidoo kale waxa ay Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqeen in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee dalka looga badbaadinayo damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geeddi socodka dawlad dhiska.

Madaxda ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in marka hore Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, laguna dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka laga xoreeyey.

Horseed Media