Madaxwayne Kuxigeenka Puntland Ahmad Karaash oo Magacaabay Agaasimayaal guud

Published: March 26, 2023
Shares40

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxwayne Kuxigeenka Puntland Ahmad Cilmi Cismaan Karaash ayaa Magacaabay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha Puntland.

Axmed Karaash ayaa Cawil Maxamuud Cali (Kabaweyne) u magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ayaa C/kariin Axmed Jaamac u magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha iyo waraabka Puntland.

Magacaabidaan ayaa imanaysa xilli Madaxwayne Siciid Deni ka maqan yahay gudaha dalka, lagu mana baahin wareegtada Axmed Karaash Warbaahinta Dowladda iyo barta rasmiga ah ee Madaxtooyadda.

Horseed Media