Madaxwayne Xasan Sheekh oo saagootiyey Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Larry André

Published: May 27, 2023
Shares12

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry André Jr oo ay dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Larry, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gar-gaarka iyo arrimaha binu aadannimada, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Larry André oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- wada-qabsi.

Horseed Media