Madaxweynaha Asarbayjaan oo diiday inuu ka qeyb galo wadahadalkii Midowga Yurub ee lagula heshiisiinayey Armenia

Published: October 5, 2023

Madaxweynaha Asarbayjaan, Ilham Aliyev ayaa diiday kulan uu soo qaban-qaabiyey Midowga Yurub oo todobaadkan ka dhacaya dalka Spain, shirkaasi oo lagula hadal-siin lahaa Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, hogaamiyaha Asarbayjaan ayaa ku eedeeyey EU-da inay si toos ah u taageerto Armenia.

Ra’iisul wasaaraha Armenia ayaa dhankiisa sheegay inuu tagi doono shir madaxeedka ka dhacaya magaalada Granada ee dalka Spain, isagoo sheegay inay “wax laga xishoodo” tahay in labada hoggaamiye aysan fursad u heli doonin inay saxiixaan “heshiiska” ku aadan dagaalka labada dhinac ee gobalka Karabakh.

Labo todobaad ka hor, dalka Asarbayjaan ayaa qaaday weerar hal maalin ah oo ay kula wareegeen gacan ku haynta dhulka Nagorno-Karabakh, oo ay horey u heysteen gooni u goosadka taageersan Armenia.

Wadahadallada ayaa lagu waday in ay ka dhacaan shir madaxeedka Midowga Yurub, iyadoo ay dhexdhexaadinayaan labada dhinac dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Golaha Yurub.

Horseed Media