Madaxweynaha cusub ee Zambia oo balanqaada isbedal dhab ah!

Published: August 17, 2021

Madaxweynaha cusub oo ay doorteen shacabka Zambia, Mr.Hakainde Hichilema ayaa khudbadii ugu horeysay soo jeediyey kadib markii Isniintii shalay lagu dhawaaqay natiijadii doorashada dalkaasi oo looga guuleystay Madaxweynihii xilka hayey Edgar Lungu.

Madaxweynaha xilka ka degaya Edgar Lungu ayaa shalay gelinkii danbe qirtay in laga guuleystay, waxaana natiijada ugu danbeysay codadka la tiriyey ay noqotay; hogaamiyaha mucaaridka Hichilema oo helay in ku dhaw 3 milyan oo cod (2,810,757), halka Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Lungu uu helay in ku dhaw 2 milyan oo cod (1,814,201).

Madaxweynaha cusub Hakainde Hichilema ayaa ah ganacsade muddo dheer soo ahaa hogaamiyaha mucaaridka dalkaasi isagoona balanqaaday inuu xididada u siibi doono Taliskii ka horeeyey oo uu ku eedeeyey musuq maasuq iyo hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *