Madaxweynaha Falastiin Cabbaas oo Maxamed Mustafa u magacaabay Ra’iisul wasaare

Published: March 14, 2024

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa u magacaabay lataliyihiisa dhaqaalaha Mohammed Mustafa inuu noqdo ra’iisul wasaaraha, isagoo bedali doona Raysalwasaarihii hore Mohammed Shtayyeh oo xilka iska casilay kadib markii uu Mareykanka cadaadis saaray in isbedal lagu sameeyo maamulka Falastiin xili uu socdo dagaalka Gaza.

Mustafa, oo ah dhaqaale yahan wax ku bartay Mareykanka, kana madax bannaan siyaasadda, ayaa hadda wajahaya howsha ah in uu soo dhiso dowlada cusub.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Cabbaas ayaa ka codsaday Mustafa inuu la yimaado qorshaha dib loogu mideynayo maamulka Daanta Galbeed iyo Gaza, adeegyada amniga, dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Horseed Media