Madaxweynaha Falastiin oo cambaareeyey xasuuqa ka socda Gaza

Published: November 5, 2023

Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa maanta qaabilay Xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka oo booqday Ramallah.

Cabbaas ayaa Blinken u sheegay in duqeynta Israel ku wado Gaza ay tahay “Xasuuq”, isagoo ku baaqay Xabad-joojin.

Blinken ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Falastiin loo baahan yahay inuu la wareego maamulida Gaza.

Hase-yeeshee Cabbaas ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in xal loo helo Gumeysiga Israel.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo weerarada Israa’iiliyiinta ku wadaan magaalooyinka Daanta Galbeed ee Falastiin.

Maamulka Falastiin ee Cabbaas hogaamiyo ayaa waxaa saaran culeys uga imaanaya shacabkooda maadaama aysan waxna ka qaban weerarada Israa’iiliyiinta.

Maamulka Falastiin ee Daanta Galbeed ka taliya ayey u diiwaangashan yihiin 7000 askari.

Dhulka Daanta Galbeed (West Bank) ee maamulkaasi ka jiro ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 150 qof oo ay dileen Israa’iiliyiinta dhul boobka ah iyo ciidamadooda.

Habeen walba afartii asbuuc ee lasoo dhaafay ciidamada Israa’iil ayaa weeraro ka waday dhulkaasi Daanta Galbeed iyagoo xiray kumanaan qof.

Gaza

Dhinaca Gaza duqeynta ayaa weli sii socota iyadoo diyaaradaha Israel ay xalay iyo maanta duqeeyeen xeryaha Bureij, Jabaliya iyo Al Maghazi.

Horseed Media