Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in 70 ka tirsan Al shabaab lagu dilay dagaalkii Baxdo

Published: June 18, 2022

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay Al shabaab kusoo qaaday degmada Baxdo.

Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen Al shabaab oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damac Sanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.

Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdii argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday,  iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.

Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii saaka lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,  madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii saaka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *