Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo gaaray Magaalada Beledweyne

Published: October 6, 2022
Shares20

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha e Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo Masuuliin kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bulshada Magaalada Beledweyne uu la qeybsanayo dhibaatada iyo xanuunka kasoo gaaray qaraxyadii Al-shabaab ee dhowaan ka dhacay Magaalada, isagoo u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door muuqa ka qaadatay caawinta dadka ku waxyeelabay weeraradaas ay geysteen.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magalaada Beledweyne waxa uu kulamo  kala duwan oo looga hadlayo amniga la qaadan doonaa laamaha amniga Magaalada Beledweyne.

Horseed Media