Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degmada Raagge-ceelle

Published: July 17, 2024

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gaaray degmada Raage-ceelle ee gobalka Shabeellada dhexe.

Madaxweynaha ayaa safar shaqo ku mari doono qaar ka mid ah degmooyinka Hirshabeelle, wuxuuna inta uu halkaasi ku sugan yahay xarigga ka jari doonaa isla markaana uu dhagax-dhigi doonaa mashaariicda kala duwan ee horumarinta degmooyinka.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Raagge-Ceelle oo cadowga xor ka ah soo booqdo, waxaan halkan u imid sidii la idin kugu dhammeystiri lahaa heykalka Dowladnimada oo ay u horreeyaan dhismaha xarumaha dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sidoo kale wuxuu dardargelin doonaa wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta looga xorreynayo dhulka Soomaaliyeed.