Madaxweynaha IRAN oo gaaray Sacuudiga

Published: November 11, 2023

Waxaa safarkiisii ugu horeeyey dalka Boqortooyada Sacuudiga ku tagay Madaxweynaha IRAN, Ibrahim Raisi.

Raisi oo saaka oo Sabti ah gaaray dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka dalalka Islaamka.

Shirka uu soo diyaariyey Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka (OIC) ayaa looga hadlayaa xaalada Falastiin.

Sacuudiga iyo Iran oo ay muddo 7 sano ah ka dhex taagneyd loolan iyo xiisado siyaasadeed ayaa heshiis gaaray sanadkan.

Bishii Maarso, ayey dalalka Iran iyo Sacuudiga heshiis gaareen kadib dhex dhexaadin ay u sameysay dowlada Shiinaha.

Horseed Media