Madaxweynaha Jabuuti Oo Waraaqaha Ka Guddoomay Danjire Salaad Cali Jeelle

Published: December 21, 2020

Madaxweynaha dowlada Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonaa dalka Djibouti  Danjire Salaad Cali Jeelle.

Danjiraha Soomaaliya ee dowlada Salaad Cali Jeelle oo Madaxweynaha Djibouti gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hoosta ka xariiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Jabuuti  uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.

Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa warqadahiisa aqoonsiga gudbiyay maalin kadib markii magaalada Jabuuti lagu soo gabagabeeyay shirweyne ay ka soo qeybgaleen madaxda xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. aad.iyo.aad.baan.uguhambalyann

    mundane salaad.cali heelle.shaqada

    loodhiibey.waana.istaahilaa.halu
    salaamo.sh.daahir.aweys