Madaxweynaha Jubaland Oo Kismaayo Kusoo Dhoweeyey Taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya

Published: July 1, 2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya (KDF) Gen Francis Omondi Ogolla oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubaland oo ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dowladaha dariska ah.

Dhinaca kale hawlgalka ATMIS ayaa soo gabo gabeeyey wejigii koowaad ee ka bixista Soomaaliya iyagoo Ciidanka Xoogga ku wareejiyey degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanada Arbacow, iyo Aljazeera ee Muqdisho, Gerileey ee degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,hawlgalkan ayey ATMIS dalka kaga saartay 2000 oo ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Horseed Media