Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatey safiirka Britain ee Soomaaliya

Published: August 12, 2023

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan kula yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanada la xoreeyay dadka ku noola ay u heli lahayeen kaalmo deg deg ah, ayaa lagu yiri war ka soo abxay xafiiska Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay qorshayaasha hormarinta kala duwan gaar ahaan tageerada dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyadoo Madaxweynaha uu Kulanka ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka Eng ismaciil Axmed Garas iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Khaliif Yuusuf Maxamed.

Safiirka cusub ee UK oo dhawaan la soo maacaabey ayaa horey u booqdey qaar kamid ah maamulada dalka ka jira.

Safiirada beesha Caalamka ayaa qabta shaqo ka duwan safiirada kale ee caalamka u fadhiya dalalkooda marka ay Soomaaliya joogaan, waxay lee yihiin awood dheeraad ah oo ay dalkooda ku metalaan, iyaga oo gala arrimaha siyaasadda, gargaarka bini’aadanimo iyo arimo kale.

Horseed media