Madaxweynaha Jubaland oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Published: December 30, 2021

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Islaam Axmed Modoobe ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *