Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay Taliyayaasha AMISOM

Published: October 26, 2021

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Diomede Ndegeya, iyo kuxigeenkiisa Maj.gen:Shume oo booqasho ku yimid xarunta Jubbaland ee Kismaayo.

Madaxweynaha iyo saraakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada-hadlay howlaha sugida amniga Doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgalada nabadgalyada lagu sugayo.

Taliska AMISOM ayaa horey guddi kormeer ugu diray magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo oo kamid ah goobaha la qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada Aqalka Hoose ee dadban.

Jubbaland oo kamid ah maamulada dhameystiray doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Federaalka ayaa hada ku hawlan sidii loo bilaabi lahaa doorashada Xildhibaanada deegaankaasi ku metali doona Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Sooomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *