Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo magacaabay Wasiir cusub

Published: November 15, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xeer-Madaxweyne oo uu soo saaray ku magacaabay wasiir cusub oo kamid noqonaya Golahiisa Xukuumadda.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Xasan Cabduqaadir Maxamed u-magacaabay Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed.

Xilkan waxaa horey u hayey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Lugbuur oo 19-kii bisha July ku dhintay weerar ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ururka Al-shabaab oo weeraro iyo dilal qorsheysan ka geystay gudaha Baydhabo ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii lagu dilay Marxuum Lugbuur.

Horseed Media