Madaxweynaha oo isku shaandheyn ku sameeyey saraakiisha ciidanka

Published: September 18, 2023
Midig Col. Dayax Cabdi Cabdulle iyo Sareeye guuto Madey Nuurey Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay taliyayaasha ciidamada iyadoo bishii hore ay dib u dhacyo ku yimaadeen ciidamada.

Sareeye Guuto Madey Nuurey Sheekh ayaa loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka.

Dayax Cabdi Cabdulle ayaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare, horeyna uga tirsanaan jirey ciidamadama kumaandooska ee Gorgor waxaana loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka, isagoo bedelaya S/Guuto Axmed Aadan Cali oo xilkaas loo magacaabay bishii June.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii labaad ku sugan Galmudug, waxaana uu halkaas ka wadaa gulufka dalka looga saarayo al-Shabaab.

Horseed Media