Xasan Sheekh oo Baarlamaanka ka codsadey in ay ansixiyaan xukuumadda cusub

Published: August 2, 2022
Shares146
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha wasiirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, latashiyada ballaaran ee uu sameeyey iyo dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sida lagu yiri qoraal ka soo abxay Villa Somalia.

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha wasiirada

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *