Madaxweynaha oo shir la qaatey Shirguddoonka labada aqal

Published: September 21, 2023
Shares40

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaaliga ah Xasan Sheekh maxamuud ayaa shirla qaatey guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka jamhuuiryadda federaaliga ah Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Wefdiga shirguddoonka baarlamaanka ayaa maanta oo Khamiis a gaarey magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ahayd Madaxweynaha bilihii u danabeeyey, halkaas oo uu ka hoggaaminaayo dagaalka argagsixisada looga saarayo dalka.

Sida ay sheegeyso xog Hoose oo Horseed media heshey kulanka ayaa ku saabsan wadatashi ku aadan isku shaandheyn lagu samaynaayo xukuumadda, kaas oo la filaayo dhawaan, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagsixisada iyo doorashada Koonfur galbeed ee soo dhawaatey taas oo Aadan Madoobe si weyn u dananaayo in Madaxweynhu qaato doorkiisa.

Horseed Media