Madaxweynaha Puntland: “DPWorld Ma Qaban Shaqadii Laga Doonaayey”

Published: April 24, 2021

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland oo waraysi siiyey Dalsan TV ayaa sheegay in heshiiska DPWorld uu yahay heshiis ay gashey dowladdii ka horeysey, shaqada ugu badan ee ii isaga ka Madaxweyne ahaan u taala ay tahay in shirkaddu fuliso wixii ay heshiiska ku gashey.

Deni ayaa qirey in heshiisku sidii loogu tala galay aanu u fulin, waxaana ugu weyn in aysan DPWorld qaban shaqadii loo baahnaa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay shaqada ka hakiyeen shirkadda oo iyagu la wareegeen maamulka dekadda, waxaana u tilmaamay in ay shir ku ballansan yihiin ayna ka wada fariisanayaan arrintan, iyaguna fuliyaan wixii ay heshiiska ku galeen ama ay isaga baxaan.

Shirkadda P&O Port ee hoostagta DPWorld ayaa bishii October sanadkii 2017 heshiis kula wareegtay Dekadda Boosaaso iyadoo sadex sano kadib weli aysan waxba ka qaban dhismaha Dekedda sida uu qabey heshiisku.

Waxaa la dhowrayaa natiijada kasoo baxda kulanka ay ku ballansan yihiin madaxweyne Deni iyo Maamulka shirkadda DP World kaasoo diiradda lagu saarayo wax ka qabashada dhismaha Dekedda Boosaaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *