Madaxweynaha Puntland oo gaaray Qardho iyo Ololaha Doorashada Golayaasha Deegaanka

Published: October 22, 2021

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo gaaray magaalada Qardho ayaa xalay wakhti la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool xarunta gobalka Karkaar.

Isniinta soo socota oo ku beegan 25ka Oktoober ayaa waxaa sadex degmo oo ay ku jirto Qardho ka dhici doonta doorashadii ugu horeysay ee Qof iyo Cod ah oo ka dhacda Puntland, laguna soo dooran doono golayaasha deegaanka.

Madaxweynaha Puntland oo isagu shaqsiyan kamid ah dadka ka diiwaangashan codbixiyayaasha degmada Qardho ayaa lagu wadaa inuu halkaasi codkiisa ka dhiibto.

Ururada Siyaasadda ee hada ka dhisan Puntland oo gaaraya 9 ayaa tartan xoogan ugu jira sidii ay uga soo dhexmuuqan lahaayeen sadexda degmo oo ugu horeysa oo ay doorashada ka dhici doonto.

Degmooyinka Qardho (Karkaar), Ufeyn (Bari) iyo Eyl (Nugaal) oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen ololaha ururada siyaasada ayaa doorashada ka dhici doonto tijaabo u noqon doontaa awooda ay ururada hada jira ku dhex leeyihiin shacabka oo markii ugu horeysay si toos ah wax u dooran doona.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *