Madaxweynaha Puntland oo ka digay Xaalada dalka uu Marayo & Xukun boobka militari ee Farmaajo – VIDEO

Published: February 22, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Bulshada Puntland kala hadlaya marxaladaha siyaasadeed ee hadda taagan.

Kulanka oo ay ka qeybgalayaan Guddoomiyaha Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Masuuliyiin hore iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa lagu qabtay xarunta PDRC ee Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa si tafaftiran uga hadlay wadahaladii badnaa ee xalka loogu raadinayey caqabadaha hortaagan doorashada Federaalka Soomaaliya iyo sababihii ay shirarkaasi ku burbureen, isagoona sheegay in Madaxweyne Farmaajo sheegay inuu ciidan u adeegsan doono mucaaridka iyo bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey dadaalkii Puntland u gashay in xal la gaaro isla markaana shirkii ugu danbeeyey ee ka dhacay Dhuusamareeb inuu burburay kadib markii Madaxweyne Farmaajo diiday inuu qaato xalkii looga gudbi lahaa murranka u dhaxeeyey Jubaland iyo Farmaajo ee maamulida magaalada Garbahaarey oo kamid ah goobihii horey loo asteeyey inay doorashada ka dhacdo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u sheegay Madaxweynaha Puntland inuu xilka sii heyn doono illaa inta Madaxweyne kale imaanayo, isagoona sheegay inuu heysto ciidamo ku filan inuu uga hortago mucaaridka ku sugan Muqdisho, siduu shaaciyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

“…Markii la dhaafay 8dii Feberaayo, wuu isoo wacay (Farmaajo) wuxuuna sheegay in xiligii la dhaafay isla markaana aysan cidna wax ka qaadin ama aan darbiyada looga soo daadan….” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo falanqeenayey qaabka uu u fekero Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xiriir kale oo ay labada hogaamiye yeesheen kadib rasaastii ciidamada Dowlada ay la beegsadeen shacabka iyo murashaxiinta Madaxweynaha ee 19kii Feberaayo ayuu Madaxweyne Farmaajo sheegay in dadkaasi sharciga ka horyimaadeen isla markaana gacan adag lagu qabanayo, siduu u sheegay Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni oo si qoto dheer uga hadlay maraxlada uu hada dalka marayo ayaa ka digay ciidamada Qaranka Soomaaliya loo dhisay ee Haramcad iyo Gorgor uu Farmaajo u adeegsanayo caburinta shacabka oo kaliya, balse ciidamadaasi aysan qaban hawshii loo dhisay oo ahayd la dagaalanka Al Shabaab.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland oo khudbadiisa socotay muddo ku dhaw 2 saac ayaa sheegay in Puntland aysan qeyb ka noqon doonin xukun sharci daro ah, burburinta Federaalka iyo nidaam militari oo keeni doona wixii laga dhaxlay kalitalisnimadii 80kii ee keenay dagaalka sokeeye.

Deni ayaa baaq uu u diray shacabka ku dhaqan Muqdisho iyo siyaasiyiintooda ugu baaqay inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara dagaal sokeeye, isla markaana si wadajir ah shacabka Soomaaliyeed ay u badbaadsadaan dowladooda iyo dalkooda.

Hoos ka daawo khudbada oo dhameystiran:

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *