Madaxweynaha Puntland oo kormeeray dhismaha Garoonka Kubada Cagta Bosaaso

Published: June 4, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Boosaaso oo dhismaha ku socda uu meel wanaagsan marayo, Iyadoo Garoonka laga dhigayo mid cagaaran oo u dhisan si heer caalami ah.

Madaxweynaha ayaa u kuurgalay sida uu dhismaha Garoonku u socdo, qeybaha kala duwan garoonka ayuu booqday wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta iyo Shirkada gacanta ku haysa Dhismaha Garoonka isagoo Kula dardaarmay in shaqada la dardargeliyo maadaama ay Dowladdu muhiimad gaar ah siinayso Dhismaha Garoonka oo ay baahi weyn u qabto Bulshada Boosaaso gaar ahaan dhallinyarada.