Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Bosaso oo gaaray Qardho

Published: February 19, 2022

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Qardho.

Madaxweynaha oo dadweynaha reer Qardho kula hadlay bannaanka magaalada oo ay uga hortageen, wuxuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen, isagoo ugu baaqay in ay wadajir uga shaqeeyaan Nabadda, horumarka iyo Dowladdnimada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaanada cusub ee loo doortay Puntland in ay ku metelaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. si gobonimo leh ayaa madaxweynaha loogu soo dhaweeyey Qardho. waxaan rajeyneynaa in sidaasi boosaaso loogu soo dhaweeyo. nabad ku tag, nabad kaga soo noqo boosaaso.Madxaweyne waxaynu ka acodsaneynaa in aad dadkaada la heshiisid oo aad go’aanka isimada aad yeeshid si horey loogu socdo.waxaa kula haboon in aad is cafisaan oo iyagana kaala shaqeeyaan sidaas madaxweyne federal aad u noqon lahayd. laakiin adiga yaay kugu xiran tahay arrintaas. caqliga ka shaqeysii oo xali dhalay ka noqo waxaad gocaneysid.