Madaxweynaha Puntland oo qaabilay saraakiishii Itoobiya ee Axadda yimid Garoowe

Published: August 21, 2022
Shares98
Deni Saraakiil itoobiya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciimamada dalka Itoobiya iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland Mudane Dagnachew Yitbarak.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga, la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada.

Tan iyo markii al-Shabaab ay dagaalka ku qaadeen gobolka Soomaalidu degto ee Itoobiya bishii Luulyo, saraakiisha sare ee ciidanka Itoobiya ayaa booqasho ku tegay Baydhabo, Beledweyne, Hargeysa, Gedo iyo safarkii ugu danbeeyey oo ay ku yimaadeen Garoowe.

Waxaa la aaminsan yahay in bilowga xiriirka Villa Somalia iyo Addis Ababa aanu ku bilaaban wanaag ayna muuqato dhaxan iyo madmadow.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *