Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay diyaar u yihiin miiska wadahadalka ee arrimaha dalka

Published: March 12, 2024

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey fadhigii golaha Wakiiladu ku asnixiyeen Xukuumadda maalintii Isniinta ayaa sheegay in Puntland ay qaadan doonto doorkeeda hoggaamineed ee arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan halkan baaq uga direynaa bulshada Soomaaliyeed, madaxda Soomaaliyeed, heerarkooda kala duwan, Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, in Puntland ay diyaar u tahay in ay ka qayb-qaadato hoggaaminta dal xasiloon oo degan oo raali la isaga yahay. ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hadda laga soo daaley in wakhti badan lagu dhumiyo kala adkaansho, muddo 30 sano ah kadib in qolo kasta meel gaar ah istaagto.

“Waa in caqligu taliyo oo deganaan lagu eego arrimaha xasaasiga ah ee masiirka dalka oo aan keli lala noqon iyo waxa dadka ka dhexeeya, wixii khilaaf ah ee jira si mug iyo miisaan leh lagu waajaho iyada oo la ixtiraamaayo dhamaan hay’adaha dowladda iyo awoodaha ay kala laa leeyihiin, haddana cidkasta oo munaasab ku ah laga qaybgeliyo ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Siciid Cabdullaahi Deni Maxadaxweynaha Puntland oo u duur xulaayey wax ka beddelka dastuurka ayaa yiri.

“…Waxaan khibrad dheer u leenahay mudadii 30 sano ahayd in qorshe cid gaar ah leedahay in uu u fulo waxa keliya ay keenayso waa in ay bulshada ku noqoto wakhti ka dhumis iyo dib u dhac….”

Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay, sidii ay kaalinta ay leedahay u qaadan lahahyd iyada oo ilaalineysa shuruucdeeda iyo weliba masaalixdeeda in qaybta aan ku leenahay ka qaadan doono marka xukuumadda la asnixiyo.

Horseed Media