Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dhisey Xafiis ka shaqeyn doona Arrimaha Sharciga

Published: April 27, 2023
Shares2

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa dhisey Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada, isaga oo madax uga dhiggey Xeer-ilaaliyihii hore iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamadda Sare.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland waxa lagu yiri:

1. Waxaa la Aasaasay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland.

2. Waxaa Maxamuud Xassan Aw Cismaan loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland 

3. Waxaa Nuur Ciise Maxamed loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Puntland.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa iyada oo la hadal hayo wax-ka-beddel lagu sameeyo dastuurka Puntland, si loo kordhiyo ururrada siyaasadda iyo arrimo kale.

Horseed Media