Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Hambal yeeyey Curashada Bisha Ramadaan

Published: April 23, 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan ummadda Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curanaysa. 

Madaxweyne Muuse wuxuu shucuubta Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda,

“Ilaahayna waxa aan ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka safmareenka ku noqday ee saameeyey dunida, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa,

Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan,kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, isagoo ku adkeeyay inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga xanuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *