Published: March 1, 2024
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2024/03/Madaxweyne-Xasan-Turkiga-010324-jpg.webp)
Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya, wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay uga qeybgalay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kaas oo looga hadlay isbaddalka cimilada adduunka.