Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Kenya

Published: April 11, 2024
Shares2

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo hal maalin ah ku tagay maanta magaladda Nairobi ayaa ka helay casuumaada dhigiisa madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi oo faahfaahin ka bixiyey safarka uu Madaxweynaha ayaa sheegay in u daaran yahay Adkeynta xiriirka labada dal, iskaashiga dhanka ganacsiga iyo cilaaqaadka labada dal ka dhexeeya.

Dhanka kale waxay ka waddahadli doonaan labada madaxweyne sidii ay isaga kaashan lahayeen la dagaalanka Argagixisada, maadaama ay caqabad weyn ku yihiin geeska Afrika.

Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Xasan Sheekha iyo William Ruto ayaa la rajeynaya in ay ka soo baxaan qodobo mira dhal ah, sida uu u sheegay warbaahinta dowladda Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiray wadda hadal dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo isku dayo uu sameeyey William Ruto bishii hore ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan.

Horseed Media