Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay tacsiyeeyey dadkii ku dhintay dagaalkii Garoowe

Published: June 20, 2023

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland.

Horseed Media