Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalay salaadii janaasada ee Xassan Abshir

Published: July 16, 2020

Subaxnimadii hore ee saaka waxaa magaalada Muqdisho la geeyey meydka Rabbi ha u naxariistee Xassan Abshir Faarax oo xilala kala duwan ka soo qabtey Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay salaadii janaasadda ee marxuumka oo ka dhacdey garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde. Sidoo kale waxaa ka qaybgalay salaaddii janaasada Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Qabriga raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir ayaa laga qodey magaalada Garoowe sida ay dalbadeen ehelkiisu, halkaas oo isla maanta la gaarsiin doono.

Xassan Abshir Faarax, waxa uu soo noqdey guddoomiyaha magaalada kadib waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland, oo bilowgii ka noqdey Wasiirka Arrimaha gudaha, kadib waxa uu kamid noqdey siyaasiyiintii ka qaybgalay shirkii Carta 2000, waxaana uu noqdey Xildhibaan iyo wasiir, kadib markii xilka laga qaadey raysalwasaare Cali Khaliif Galayr, waxa uu noqdey raysalwasaaraha Soomaaliya dowladdii kumeelgaarka ahayd sanadkii 2001. mar kale ayuu ka mid noqdey baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2004, ilaa sanadkii 2015 markaas oo uu iska casiley.

Rabbi ha u anxariistee Xassan Abshir faarax ayaa ku geeriyoodey dalka Turkiga 12 Luuliyo isaga oo 77 sano jir ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *