Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya shirka World Bank- IDA iyo Hoggaamiyaasha Afrika.

Published: April 29, 2024
Shares16

Nairobo, Kenya (HM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-lgalo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

In ka badan 20 Madaxweyne iyo Dowlado Afrikaan ah ayaa isugu yimid Nairobi si ay uga qeyb galaan shirka Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka (IDA21).

Shir madaxeedkan ayaa ku billowday maalintii Axadda ee shalay shir ay isugu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda ee Afrika oo ka socday waddamada xubnaha ka ah IDA.

Wasiirada Maaliyaddu waxay ka wada hadleen siyaasadda IDA iyo qaabdhismeedka maalgelinta waxayna iftiimiyeen meelaha muhiimka ah ee mudnaanta u leh maalgelinta horumarinta Afrika.

Shirka IDA iyo Hoggaamiyaasha qaarada ayaa la filayaa in looga hadlo doorka istiraatijiyadeed ee IDA ee xaqiijinta ajendaha isbeddelka dhaqaale ee Africa, iyada oo dadka da’da yar ee qaaradu ay u baahan yihiin maalgashi la taaban karo oo ku saabsan qaybaha sida shaqo abuurka, helitaanka tamarta, iyo horumarinta raasamaal ee aadanaha.

HORSEED MEDIA