Madaxweynaha Soomaaliya oo la kumey dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan (MBS)

Published: April 7, 2024
Shares22

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Dhaxal sugaha Sucuudiga ayaa ka qaybgalay 10 danbe ee ramadaan magaalada Makkah, waxaana uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa oo gutey cimrada ku qaabiley qasriga Al-Safa Palace.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya, sida lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Dhinaca Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Warka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Sucuudigu mar kale canbaareeyey heshiiskii Itoobiya ay la saxiixatey Somaliland ee ay ku qadaneysey qayb ka mid ah badda Soomaaliya iyada oo ka faa’ideysanaysa kala qaybsanaanta dalka.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga oo wax ka qortey kuankan ayaan sheegin, sheegashada xafiiska Madaxweynaha ee ah in la soo qaadey heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweynaha JFS waxaa kulanka ku weheliyey qaar ka mid ah Wasiirada XJFS, sida Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Cali Balcad, Wasiirka gaashaandhigga Jaamac iyo wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan.

HORSEEDMEDIA