Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ubax Dhigay Taaladda Daljirka Daahsoon Ee Muqdisho

Published: July 1, 2023

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasbadda Xornimmada iyo Midnimada 1-da Luulyo awgeed waxaa uu ubax dhigay taallada Daljirka Daahsoon ee Caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda ubax dhigga waxaa qayb galay boqolaal shacabka Soomaaliyeed ah iyo masuuliyiinta kala duwan ee hay’addaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gebogabada xuska 63 guuurada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ayaa galabta loogu ballansan yahay madal kale iyada oo Mogadishu Stadium lagu qabanayo isu soo bax uu shacabka Soomaaliyeed kula hadli doono madaxweynaha Jamhhuriyadda Mudane Dr. Xasan Sheekh.

Horseed Media